"Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan"

"Mararka Qaar Dabayshu waxay usocotaa sida aysan Doomalaydu rabin (kaluumaystada ama gamacsatada Badda).
°´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´´´´°°´´´´´´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´°
Waxaa Suurta gal ah in had iyo goor uusan rabitaankaagu kuugu suurtagalin sidii saxda ahayd ee aad udamacsanayd, balse Si sidaas liddi ku ah ay wax udhacaan.
Ma isweydiisaa marar badan nafsad ahaantaada su'aalo badan oo ay usoo horeyn karaan:
1- ma nasiib laawe ayaan ahay oo waxkasta sidaas ayay iiga halaabaan?
2- Ma towfiiqda ayaa si iga ah (waafiqidda sida aad wax urabto) oo aan waxkasta kuwaayaa?
3- Ma waxa aan doonayo gaaridiisa ayeysanba suurtagal ahayn oo meel cidlo ah ayaan kajaxartamayaa?
4- Mise aniga ayaa wado khaldan haya oo waxaan gaariidiisa rabo meeshaan maba yaalo? Iyo su'aaalo badan.
Inkastoo sababaha kor kuxusan dhamaan ay suurtagal u noqon karaan Gaarid la'aanta rabitaanka, haddana markasta tixgali awooda iyo kartida aad hibo ahaan uleedahay oo ALLE Sw kugu manaystay taasoo ah kamiro dhalinta hadfakasta iyo rabitaan walba adoo Kaashaanaya talona Saaranayaa Rabbigaa, lehna Go'aan cad oo aan kalaba labayn lahayn,
Iyo kucelcelin aan laga daalin marnaba
Oraah carbeed ayaa ahayd:
"التكرار يجعل الحمار فقيها يفتي النّاس"
Oo lamicne ah:
"ku celcelintu waxay dameerka kayeeshaa Faqiih (caalim diimeed) oo dadka ufatwooda (xaliya amuurahooda diimeed)"
Taasoo dulucda kadanbaysa ay tahay, sidaan ognahay Dameerku wuxuu tusaale doqonimi iyo damiinimoba uyahay Umaddo kala dhaqan iyo diinba duwan, oo ma ahan wax kukooban kan 5oomaalida iyo carabta midnaba, Balse sidaas oo jirta awgeed haddaba Wali inuu rajo yeeelan karo xayawaankaas waa haddii uu la imaado kucelcelin iyo joogtayn badan intaba, si uu uga dhabaeeyo rabitaankiisa haba ahaado mid uu mufti diin inuu noqdo kurabee.
Gunaanad:
Maahmaadii 5oomaaliyeed
"Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan"e boorka hala iska jafo oo Camal aan la imaano, annagoo cuskanayna Iimaankeena.
Jimce Wanaagsan,
©Mohamed.

Comments

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Maalmaha Aduunka