Posts

Showing posts from February, 2017

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Image
• "Waqtigeena qayb weyn oo kamid ah waxaan ku dhuminaa inaan nafsadda kumashquulino soo xasuusashada maalmo tagay, Si aan lurka iyo murugadda waqti taagan isku iloowsiino, Waana Sababta aan had iyo goor u dhahno: Waan idiin xiisey/ Maalmahaas Wali waan tabayaa/ Sanadadaas ayaa ahaa kuwii iigu farxadda badnaa/ Nasiib ma uyeelan doonaa inaan markale waqti ku qaato meel hebla? iwm." Oo Maxaa Dhib Kujaban? • Afkaarta Caynkaan oo kale ah dib u dhac mooyee horumar nagusoo siyaadin mayso, Kaliyatee Waxay naga Hor istaageysaa Inaan dhisano Khayaalkeena ku aadan maalmaha soo socda. Maxaan Uga Baahanahay Khiyaali? • Maadaama rabitaankeena ah gaarista himilo fog oo ku aadan Mustaqbalkeena uusan ahayn mid hadda aan gacanta kuhayno haddaba waa khiyaali u baahan ka dhabayn iyo dadaal joogto ah, • Sidaas si lamid ah ayaa Qofba inta Qofka kale ka khiyaali badanyahay ayuu ka rabitaan iyo damac badanyahay, Sidaas Awgeed ha isku yareyn inaad had iyo goor nafsadaada waqti u

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Image
Qoraa ree Masaari ah oo wax ka qori jiray Culuumta loo yaqaan "Cilmi Nafsiga", ayaan xasuustaa inaan mar akhriyey mid kamid ah Buugaagtiisa, anoo markaas ahaa ardey dhigta fasalka 6aad, mudadaas oo hadda laga joogo muddo 8 sano ah, Waxaa jiray sadaro aad ii cajab geliyey markaas oo aan su'aalo badan iska weydiiyay ilaa maalinka maanta ahna aan weli sidii si lamid ah uga fikiro, Erayadaas oo ahaa: o نرى ما لا نريد ونريد مالا نرى، فنفقد قيمة ما نرى ونضيع في سراب ما لا نرى، “كن حريصا ألا تفقد قيمة ما ترى o “Waxaa had iyo goor noo muuqda wax aanan rabin, waxaana daba joogna raadinta waxaanan muuqan, Markaas Ayaan seegeynaa (waayaynaa) qiimihii waxa noo muuqdey, Waqti badana nooga dhumayaa ka daba orodka wixii aan noo muuqan, Ku dadaal inaad garab marin qiimaha fursadda ku hortaal” كتاب ((غير حياتك في 30 يوم)) د / ابراهيم الفقى رحمه الله Dr. Ibraahim Al-fiqi Kitaabkiisa ((Kubadal Noloshaada 30 maalmood)) Tusaale aan usoo qaadano Inan soomaaliyeed oo u hanqal taa