Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?


• "Waqtigeena qayb weyn oo kamid ah waxaan ku dhuminaa inaan nafsadda kumashquulino soo xasuusashada maalmo tagay, Si aan lurka iyo murugadda waqti taagan isku iloowsiino, Waana Sababta aan had iyo goor u dhahno: Waan idiin xiisey/ Maalmahaas Wali waan tabayaa/ Sanadadaas ayaa ahaa kuwii iigu farxadda badnaa/ Nasiib ma uyeelan doonaa inaan markale waqti ku qaato meel hebla? iwm."
Oo Maxaa Dhib Kujaban?

• Afkaarta Caynkaan oo kale ah dib u dhac mooyee horumar nagusoo siyaadin mayso, Kaliyatee Waxay naga Hor istaageysaa Inaan dhisano Khayaalkeena ku aadan maalmaha soo socda.

Maxaan Uga Baahanahay Khiyaali?
• Maadaama rabitaankeena ah gaarista himilo fog oo ku aadan Mustaqbalkeena uusan ahayn mid hadda aan gacanta kuhayno haddaba waa khiyaali u baahan ka dhabayn iyo dadaal joogto ah,

• Sidaas si lamid ah ayaa Qofba inta Qofka kale ka khiyaali badanyahay ayuu ka rabitaan iyo damac badanyahay, Sidaas Awgeed ha isku yareyn inaad had iyo goor nafsadaada waqti u gooni yeesho oo aad si hoose iskula sheekeysato, Dhisatana Caalam khiyaali ah oo kuu gooni ah kaasoo aad u tafa xaydatid ka dhabayntiisa, 
• Dabcan Khiyaaligaagu Wanaag iyo xumaan wuxuu yahay waa mid adiga kuu gooni ah, Hadii Shaki kaaga jirose wuxuu yahayna waxaad cabbir kadhigan kartaa oo aad is weydiin kartaa su’aalahaan:
 Hadii uu guuleysto khayaalkaan Ma noqon doona mid bulshada oo dhan anfici doona mise dhib cusub ayuu horseedi doonaa?
 Natiijadda ka dhalan doonta Rabitaankaan (Khiyaaliga aad dhisatay ee aad rabtid inaad kadhabayso) ma mid kaligey ii gooni noqon doontaa mise waa Layla wadaagi doonaa?
 Hadii Qadarta Alle SW ii timaado ma noqon karaa mid la iga dhaxli karo ?
 Aduunyadda Nafac la iigu abaal hayo ma iisoo jiidi doonaa?, Aakhiradaydase muxuu horumar iyo ajar ii horseedi karaa? Iyo su’aalo kaloo badan.

Comments

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Maalmaha Aduunka