Posts

Showing posts from January, 2017

MA AHAN INAY LIBINTU KURAACDO MADASHO DOODA

Waxaa Lagasoo wariyay in Yuusuf bin Cabdi aclaa ( arday kamid ah ardaydii Imaamu Shaafici ) uu maalin ku khilaafay imaamkiisa Maxamed Bin Idriis Al-shaafici mas’alo diini ah xilli markaas imaamku darsi ( cashar ) uu kabixinayay masajid! Wuu istaagay yuusuf isagoo xanaaqsan, casharkiina halkaas ayuu uga dhaqaaqay, gurigiisa ayuuna iska  aaday!!! Markii waqtigii isguray oo gudcur noqotay (habeen aan dayax soo jeedin ) ayuu yuusuf maqlay qof xiligaas albaabkiisa soo gaaracaya. Yuusuf : waa kuma ? Qofkii albaabka garaacayay: waa Maxamed bin Idiriis, Markaas ayuu yuusuf fakaray oo isweydiiyay qof magaciisa layiraahdo maxamed bin idriis oo imaamkiisa shaafici ka ahayn!!! Kadib markuu kudhiiraday inuu albaabka furo saa waaba imaamkiisii Shaafici ee maanta uu agasoo dhaqaaqay isagoo masaajidka dhex fadhiya, Markaas ayuu Imaamu Shaafici hadalkiisa sidaan kubilaabay: “ * Yuusufoow iyadoo boqolaal mas’alo ay namideeyaan oo aan isku ra’yi kunahay miyaan hal mas’alo awgeed kukala tagaynaa?!, *H

Bal Adigu Cinwaan Uhel Qoraalkan:

Image
????????? ....................................... Waxaan Noolnahay Waqti aan laqabsanay geeridii, Rafaadkii , Dulunimadii iyo Jahaligii intaba. Waxaan Joognaa Waqti qof kastoo dhinta Loo raaciyo " Allaha Unaxariisto" oo aan ficil kale jirin kii dhaawacmana " Allah u boogo dhayo" lana ogyahay ciddii dulmigaas gaysaty. Waxaan Joognaa Waqti ay madaxa Naga haystaan anagoo malaayiin ah , oo siday doonaan naga yeeli karaan Koox cadad iyo tiro kooban leh, oo hal qof oo kadhiidhin kara aad moodo inaysan Wali hooyo dhalin. Geeridii iyo Rafaadkii ayaaa nala darsay, oo waan niyad jabnay, Waxay badideen iska dhaadhiciyeen Oo ufakaraan ama ku taahaan inuusan Faraj danbe jirin, oo waligeed aan sidaan ku waari doono, Sababtoo ah Wiilka soomaaliyeed ee maanta 25 sano ahna kan laga dhowrayay isbedelka iyo sabab u ahaanta horukaca Wadankiisa ayaaba Kusoo barbaaray wadan iyo Qaran dunsay oo malaha waxayba umoodeen in beledku ilaa soo jireenkiisii sidaas ahaa sidaanna kuwaari

Isu Qaawintaydaa Loo Qooro Wayn Yahay

"Markay Walaalkiis is hayaana Libaax, Markay Dagaalka shisheeya Gaartana fulay Goroyo" "أسدٌ عليَّ وفي الحروب نعامةٌ" °Taariikhda ma akhrino, hadaan akhrina malaha maba fahano, shalay ayay Ahayd sidii muslimiintii naga ilbaxninada dheera Ee ree Andalus ( Dhulka maanta ay dhacaan dawladaha Isbaanashka iyo Burtuqiiska) dhexdooda looga shaqeeyay ee dawladaha Daciifka ah loogu Qaybshay, kadibna loo wiiqay awoodoodii ilaa maalintii Ugu danbaysay laga qabsaday gacan kuhaynta magaa aldii qudha ahayd ee gacantooda kuharsanayd ee loo yaqaanay Qarnaada ( maantana ah Granada -Isbaanashka) kadibna Boqorkii magaaladaas uu oohin jabsaday oo hooyadiis oo markaas lasaarnayd doontii ay kusoo fakadeen ay ugu halqabatay oraahdii caanka noqotay ee ahayd: "Hadii kursigii ( maamulkii dowlad goboleedkiisa) sidii nin ragga aad ilaashan wayday, u ooy sidii dumarkii". °°Marka Maxay micno noo samayn kartaa taariikhdaas wali raadkeeda sii qoyan tahay oo nimcadii laga qaatay

"Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan"

"Mararka Qaar Dabayshu waxay usocotaa sida aysan Doomalaydu rabin (kaluumaystada ama gamacsatada Badda). °´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´´´´°°´´´´´´´´´´´´´´´´´´´Г´´´´´´´´´´´° Waxaa Suurta gal ah in had iyo goor uusan rabitaankaagu kuugu suurtagalin sidii saxda ahayd ee aad udamacsanayd, balse Si sidaas liddi ku ah ay wax udhacaan. Ma isweydiisaa marar badan nafsad ahaantaada su'aalo badan oo ay usoo horeyn karaan: 1- ma nasiib laawe ayaan ahay oo waxkasta sidaas ayay iiga halaabaan? 2- Ma towfiiqda ayaa si iga ah (waafiqidda sida aad wax urabto) oo aan waxkasta kuwaayaa? 3- Ma waxa aan doonayo gaaridiisa ayeysanba suurtagal ahayn oo meel cidlo ah ayaan kajaxartamayaa? 4- Mise aniga ayaa wado khaldan haya oo waxaan gaariidiisa rabo meeshaan maba yaalo? Iyo su'aaalo badan. Inkastoo sababaha kor kuxusan dhamaan ay suurtagal u noqon karaan Gaarid la'aanta rabitaanka, haddana markasta tixgali awooda iyo kartida aad hibo ahaan uleedahay oo ALLE Sw kugu manaystay

Maalmaha Aduunka

Maalmaha Aduunka. ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Lagasoo bilaabo Maalintaad garaad iyo maan wax qayba yeelatay Waxaad maqlaysay in "odeygii reerku saaka hiraabtii hore shaqo ujarmaaday" oo way yarayd in la arko isagoo kasoo ag kacaya caruurtiisa, had iyo goor wuxu qalbiga kuhayaa waa sidii uu nolol maalmeedkooda usoo gacan galin lahaa kan naaska nuugaya ilaa kan tilaabsaday, Odeygu wuxuu dhididkiisu u tifqayaa oo uu ku han weyn yahay waa inuu arkaa ayagoo tilaabsada oo tooda iyo tiisaba maareeya mar uun, noqdana mid kunasta oo hela nolol farxad iyo naruuro badan. Balse Waxaa is weydiin mudan, Xaqiiqdii madhacdaa inay rumowdo riyadiisii? Hadayba dhacdase ilaa intee le'eg ayay usii waartaa? Asaguse muddo intee dhan ayuu dhadhanshaa miraha guusha uu gaaray? Ma ugu riyaaqaa si taam ah oo naaqus kujirin mise wali waxbuu tabaa? Mise Waqtigiisa gabaadsaday iyo gabowga (da'da) ayaa kahor istaaga Ku tamashlaynteeda? Asaga bal intaas kudhaafoo,

Sanadkii Tagay ee 2016 (Xauus )

Image
Maxaan ku xasuusan karaa Sanadkaan sii Carraabaya ee 2016? ^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^ Shakhsiyaad Xusid mudan: 1. Dr. Ahmad Ghazawneh Ahaa Ardey kasoo haajiray magaalada Qudus ee Dhulka Falastiin isagoo aqoon raadis ah, haddana kusugan Wadanka Sweden isagoo Dr dhalinyar ah (Ph.D Holder), Kasheekeeya had iyo goorna kahadla Noloshii adkeyd ee uu soo maray iyo siduu uga tilaabsaday, Wuxuu Dr. Ahmed caan kuyahay Maqaallo xamaasad iyo dhiiro galin kudheehan, Laakiin badanaa uu kudaabaco afka carabiga. https://www.facebook.com/DrAhmadGhazawneh/ Qoraaladiisa baaritaan cilmiyeedka : http://ghazawneh.com/ 2. Büşra USLU ( Büş Skywalkr ) Macalimad Waxbrashadeeda badi kudhamaysatay Jaamacadaha ugu tunka wayn wadankaan Turkiga, una dhalatay isla wadankaan sidaas oo ay tahayna Mutawaadicad ah, Jecel had iyo goor inay dhagaysto oo ukuurgasho xaalka ardeydeeda. Firfircooninimada waa u astaan, dhoolo cadayn iyo farxadu wajigeeda kama suusho, Sabir iyo dulqaad usaaxiib ah

Astaanta iyo Sifooyinka Dadka Guuleysta:

Astaanta iyo Sifooyinka Dadka Guuleysta: 1.      Waxay noloshooda usameeyaan Ujeedooyin iyo ahdaaf ay rabaan inay kadhabeeyaan, oo har iyo habeen usoo jeedaan kuna hamiyaan. 2.Waxay faafiyaan Farxadda (Dhoolo cadayn badan, Dadka kalama hor imaan waji gabaxnimo iwm). 3.Waa kuwa saamixid badan, oo khaladka dadka kale aan saas usii daba raacin. 4. Si joogta ah Wax u Akhriya Maalin kasta . 5.Waxay amaanaan oo dhiiro galiyaan Guulaha asxaabtoodu gaareen.. 6.Si farxad iyo raynrayn kudheehantahay ayay kuqaabilaan wixii isbadal ku imaada noloshooda, Kamasoo horjeedaan isbadalka. 7.Waxay Asxaabtooda lawadaagan khibradahoda iyo macluumaadka ay hayaan ay nacfiga leh/ waxtarka ah (Aqoontooda dadka kama xasdaan). 8. Had iyo goor waxay inay kororsadaan ayay jecelyihiin (Barasho wax cusub). 9.Wax bixinta jecel, oo wixii ALLE siiyay dadka ka bakhaylin haday awoodaan. 10.Waxay had iyo goor diyaar uyihiin inay masuuliyad qaadaan, Oo kama cararaan wixii hawl soo

Road to Success is if full of Hardships- Guusha iyo Cawaaqibta

Image
Published by  Mohamed Abdiaziz  ·  January 23 ·  "May be you have been disappointed, you have undergone defeat during the depression, you have felt the great heart within you crushed until it bled. Take courage, for these experiences have tempered the spiritual metal of which you are made they are assets of incomparable value. Remember, too, that all who succeed in life get off to a bad start, and pass through many heartbreaking struggles before they "arrive". The turning point in the lives of those who succeed, usually co mes at the moment of some crises, through which they are introduced to their "other lives."" Quotes from Book "Think and Grow Rich" by "Napoleon Hill" "Way dhacdaa inaad marar badan niyad jabto, Guuldaro kaasoo wajahdo caqabado murugo xanbaarsan, Xanuunka qalbi jabku ku dareensiiyo sidii inuu wadnaahagu dhiiig baxayo. Ha isdhiibin, dhacdooyinkaan gebi ahaan waa