Sanadkii Tagay ee 2016 (Xauus )

Maxaan ku xasuusan karaa Sanadkaan sii Carraabaya ee 2016?
^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^
Shakhsiyaad Xusid mudan:
1. Dr. Ahmad Ghazawneh
Ahaa Ardey kasoo haajiray magaalada Qudus ee Dhulka Falastiin isagoo aqoon raadis ah, haddana kusugan Wadanka Sweden isagoo Dr dhalinyar ah (Ph.D Holder), Kasheekeeya had iyo goorna kahadla Noloshii adkeyd ee uu soo maray iyo siduu uga tilaabsaday, Wuxuu Dr. Ahmed caan kuyahay Maqaallo xamaasad iyo dhiiro galin kudheehan, Laakiin badanaa uu kudaabaco afka carabiga.
2. Büşra USLU (Büş Skywalkr)
Macalimad Waxbrashadeeda badi kudhamaysatay Jaamacadaha ugu tunka wayn wadankaan Turkiga, una dhalatay isla wadankaan sidaas oo ay tahayna Mutawaadicad ah, Jecel had iyo goor inay dhagaysto oo ukuurgasho xaalka ardeydeeda. Firfircooninimada waa u astaan, dhoolo cadayn iyo farxadu wajigeeda kama suusho, Sabir iyo dulqaad usaaxiib ah.
3. Barış ÖZCAN
YouTuber aan tiro badan oo dad mutabaceeya lahayn (Qof Youtube-ka kanaal kuleh oo afkaar ama xog kuwadaaga) sida dad badan lagu yaqaan, balse saas oo ay tahay ixtiraam wayn looga hayo dhul balaadhan iyo meelo badan, Kuwadaaga kanaalkiisa Muuqaalo badan oo kusaabsan Safaradiisa iyo Dalxiiskiisa isagoo leh sifo u gooni ah oo uu u sawiro afkaartiisa iyo khibradiisa,kahadla Kulan wadareedyada TED, leh sidoo kale Muuqaalo saamayn aad ah kuleh bulshada dhexdeeda (Balse Luuqadda uu kugudbiyaa Waa Turkish) ilaa Kanaalka Youtubeka Qudhiisu uu kumarti sooray xaruntiisa, una doortay mid kamid ah 12 safiir ee uu Youtubeka sanadkaan kasoo doortay Youtuber'da daafaha dunida ee Isbadalka horseeda (Creators for Change).
http://barisozcan.com/
Dhanka Buugaagta:
1. The Monk Who Sold his Ferrari /Raahibkii Gaday gaarigiisii Ferraariga ahaa (ROBIN SHARMA)
Qoraa kalimado kajeedsha shirkadaha caanka ah sida :Nike, Microsoft, PwC iyo HP.
Buuggu wuxuu kusaabsanyahay Sheeko khiyaali ah balse uu qoraagu kutusaalaynayo in qofka banii'aadamki ah uu isbadal samayn karo mar alaale markuu doono waa hadii uu rabitaan layimaado, noolaana karo nolol wacan isagoo aan kutiirsanayn shaqada joogtada ah (Kudheeraan mahayo si aana kaaga hordhicin waa intaasoo aad jeceshahay inaad akhriso),
Badanaa waxaan jeclahay buugaagta inaan Hard-copy ku akhristo (Buug caadi ah oo daabacan) balse adiyo dookhaaga isla buuggan oo PDF ah halkaan ayaad kaheli kartaa : http://bit.ly/2iBYt0K
2. The Alchemist (Paulo Coelho)
Qoraa Brazilian ah balse buugaagtiisa loo tarjumay luuqadda badan, buuggan kor kuxusan ayaa ah mid kamid ah buugaagtiisa ugu caansan dunida oo laga sameeyay ilaa 65 milyan oo koobi loona tarjumay 69 luuqadood oo kala duwan.
isla sheekadda buugan sidoo kale oo khiyaali, kusaabsan inan dhalinyar oo lagu magacaabo Santiago kuna barbaaray dawladdii loo yaqaanay ANDALUS (dhulka Isbaanashka iyo burtuqiiska maanta), go'aansaday inuu safro wadanka Masar si uu uga dhabeeyo riyo cajiib ah oo uu arkay, balse buuggu wuxuu badanaa soo dulmeerayaa dhacdooyinkii layaabka lahaa ee uu Santiago wajahay intii uu jidka safarkiisa kujiray.
Buugga oo kuqoran Af ingiriisi :http://bit.ly/1qsQiFn
Afcarabi: http://bit.ly/2hLJ3Hv
F.G: Kama dhigna inaan bartay ama lakulmay tirada in dadkaas le'eg oo kaliya, ama inaan Akhriyay buugaagta kor kuxusan oo kaliya, balse waxaan oran karaa waa inta ugu haboon ee aan si guud idiin la wadaagi karo.
hadii aad jeceshahay inaad nala wadaagta adna khibrdaada sanadkaan sii liiqaya, Soo dhawoow ayaan kuleeyahay.
Mahadsanidiin.
Maxamed :)
28.12.2016

Comments

  1. mukmhoollluak jhaaerkmme??
    kiloourt kjoearf ghueaderedo idifma!!

    ReplyDelete
  2. it would be kindly welcomed if you comment in ENG or TR, for another articles u would understand could be: https://www.blogger.com/blogger.g?blogID=5544556889911398817#editor/target=post;postID=2071197881858667601;onPublishedMenu=allposts;onClosedMenu=allposts;postNum=7;src=postname.

    Thanks.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Maalmaha Aduunka