Bal Adigu Cinwaan Uhel Qoraalkan:

?????????
.......................................
Waxaan Noolnahay Waqti aan laqabsanay geeridii, Rafaadkii , Dulunimadii iyo Jahaligii intaba.
Waxaan Joognaa Waqti qof kastoo dhinta Loo raaciyo " Allaha Unaxariisto" oo aan ficil kale jirin kii dhaawacmana " Allah u boogo dhayo" lana ogyahay ciddii dulmigaas gaysaty.
Waxaan Joognaa Waqti ay madaxa Naga haystaan anagoo malaayiin ah , oo siday doonaan naga yeeli karaan Koox cadad iyo tiro kooban leh, oo hal qof oo kadhiidhin kara aad moodo inaysan Wali hooyo dhalin.
Geeridii iyo Rafaadkii ayaaa nala darsay, oo waan niyad jabnay, Waxay badideen iska dhaadhiciyeen Oo ufakaraan ama ku taahaan inuusan Faraj danbe jirin, oo waligeed aan sidaan ku waari doono,
Sababtoo ah Wiilka soomaaliyeed ee maanta 25 sano ahna kan laga dhowrayay isbedelka iyo sabab u ahaanta horukaca Wadankiisa ayaaba Kusoo barbaaray wadan iyo Qaran dunsay oo malaha waxayba umoodeen in beledku ilaa soo jireenkiisii sidaas ahaa sidaanna kuwaari doono ( Qaarkood ayaa isweydiiya, Sheekooyinkaan nalagu qufo oo ah inaan waa dad wax tar leh ahayn armay lamid tahay sheekadii dhagdheer iyo Odey biiqe, ama Dad qalatii yaraantii nalagu seexin jiray ee aanan weli raadkeeda arag).
Hagaag, Maanta oo aan ognahay halka aan joogno tayo iyo tiro ahaan heerkay doontaba ha ahaatee, Miyaysan Suurtagal ahayn inaan mar uun teena katashano oo ugu yaraan cadawga gudaheena iska qabano, danaheena guud katashano. Mise waxaan kufaraxsanaan doonaa in cuqaasheena, Aqoonyahanadeena, Nabadoonadeena iwm lagu ugaarsado gobolka kasta iyo goorkastaba, Oo sidii caadiga noo ahayd aan dhahno Qadartiisii ayaa dhamaatay " Allaha U axariisto", Cidii dhibkaas geysatayna " Waan CANBAARAYNAYNAA :D :D :D".
Ugu danbayn, Dhalinyarooy, Hadii aad kufakaraysaan in ummada kale iyo dadkale dhibka nahaysta ay naga saari karaan ( Waayo dhibku dibadduu nooga yimid, Jinnina ninkii keenaa baxsha aad kufakarysaan),
Waan sugeynaa Rajadaas waligeedna ma rumoobi doonto, Sababtoo ah :
Ukunta markii jabku ( jabin) dibadda uga yimaado Nolol ayaa baaba'da ( Jiijiilihii halkaas kujiray masamato baxo) , balse markii ay gudaha kasoo dilaacdo Nolol ayaa bilaabata iyo marxalad cusub oo horumareed ( Noolo cusub oo nacfi leh ama muuqaal lataabto leh ayaa kasoo baxa),
Taasoo micnaheedu yahay "Isbedelka Saliimka ah ee waxqabadka leh waa inuu annaga naga imaadaa , Yaanan Kasugin shisheeye iyo Cidkale toona" sidoo kale " Ummadaha Kale waxay noo qabteen lugooyo iyo hagardaamo mooyaane wax kale kama faaiideyno".
Magaranayo mana Qiyaasi karo inaad qoraalkaan ilaa biloow lasocotay oo aad halkaan soo gaartay, Balse hadii aad tahay qofka intaas udulqaatay inuu soo gaaro gabo gabadaan, kaama codsanayo kugumana Qasbayo inaad Lawadaagto Qoraalkaan Asxabtaada "Share" ama aad tacliiq kadhiibato "Comment" ama uu kucajibiyo 'Like", Balse Haddii aad intaad meel fariisto kafakarto xaalkaan aan kujirno ee aan kor kusoo xusay ayaa iigu filan muunad iyo muudsanaan intaba.
Mahadsanidiin,
©Mohamed

Comments

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Maalmaha Aduunka