Isu Qaawintaydaa Loo Qooro Wayn Yahay

"Markay Walaalkiis is hayaana Libaax, Markay Dagaalka shisheeya Gaartana fulay Goroyo"
"أسدٌ عليَّ وفي الحروب نعامةٌ"
°Taariikhda ma akhrino, hadaan akhrina malaha maba fahano, shalay ayay Ahayd sidii muslimiintii naga ilbaxninada dheera Ee ree Andalus ( Dhulka maanta ay dhacaan dawladaha Isbaanashka iyo Burtuqiiska) dhexdooda looga shaqeeyay ee dawladaha Daciifka ah loogu Qaybshay, kadibna loo wiiqay awoodoodii ilaa maalintii Ugu danbaysay laga qabsaday gacan kuhaynta magaaaldii qudha ahayd ee gacantooda kuharsanayd ee loo yaqaanay Qarnaada ( maantana ah Granada -Isbaanashka) kadibna Boqorkii magaaladaas uu oohin jabsaday oo hooyadiis oo markaas lasaarnayd doontii ay kusoo fakadeen ay ugu halqabatay oraahdii caanka noqotay ee ahayd:
"Hadii kursigii ( maamulkii dowlad goboleedkiisa) sidii nin ragga aad ilaashan wayday, u ooy sidii dumarkii".
°°Marka Maxay micno noo samayn kartaa taariikhdaas wali raadkeeda sii qoyan tahay oo nimcadii laga qaatay Ummadaas dantoodii dayacay maanta ummada kale ay iska daaqayaan.
°° Maamul goboleedyadaas naloo Qaybshay maxay kaga duwantahay tii ree Andalus lagu kala qaybshay? Soo la isma oran karo natiijadda iyo miraha kadhalan doono waa isla tii ay heleen oo ay mareen ree Andalus?
Mise waxaa Suurtagal ah hal foormula xisaabeed oo mid ah inay soo saarto labo natiijo oo kala duwan?.
Is weydii oo kafakar marar badan, Wax isbar bardhig ah oo naga dhaxayn kara majiraa Soomaalideena maanta iyo Ummadaas lawiiqay ee ree ANADALUS.
F.G:
Maahmaahda afcarabiga ee aan kor kutarjumay waxay lamicno tahay oo isku maqsad iyo ujeedo ah siduu Sxbkay marna Walaalkay Moh'ed Garas Haji Farah uu ii iftiinshay : " Isu Qaawintaydaa loo qooro wayn yahay"
Mahadsanidiin,
©Mohamed
Bursa-Turkey.

Comments

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Maalmaha Aduunka