Maalmaha Aduunka

Maalmaha Aduunka.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Lagasoo bilaabo Maalintaad garaad iyo maan wax qayba yeelatay Waxaad maqlaysay in "odeygii reerku saaka hiraabtii hore shaqo ujarmaaday" oo way yarayd in la arko isagoo kasoo ag kacaya caruurtiisa, had iyo goor wuxu qalbiga kuhayaa waa sidii uu nolol maalmeedkooda usoo gacan galin lahaa kan naaska nuugaya ilaa kan tilaabsaday, Odeygu wuxuu dhididkiisu u tifqayaa oo uu ku han weyn yahay waa inuu arkaa ayagoo tilaabsada oo tooda iyo tiisaba maareeya mar uun, noqdana mid kunasta oo hela nolol farxad iyo naruuro badan.
Balse Waxaa is weydiin mudan,
Xaqiiqdii madhacdaa inay rumowdo riyadiisii? Hadayba dhacdase ilaa intee le'eg ayay usii waartaa?
Asaguse muddo intee dhan ayuu dhadhanshaa miraha guusha uu gaaray?
Ma ugu riyaaqaa si taam ah oo naaqus kujirin mise wali waxbuu tabaa?
Mise Waqtigiisa gabaadsaday iyo gabowga (da'da) ayaa kahor istaaga Ku tamashlaynteeda?
Asaga bal intaas kudhaafoo,
Warasadiisu Maxay dhaxal kala haraan oo guushaas ah?
Daalkii iyo tacabkii faraha badanaa ee Aabahood soo maray maka haraa?
oo manoqdaan kuwa kanasta oo isla yaraantooda nolol Aan mashaqo badnayn la kowsada?
Mise midkastoo kamid ahi isla halkii iyo meeshii aabahood kasoo bilaabay ayay kasoo ambaqaadaan?
Haduu hanti waafi ah katagay ilaalinteeda iyo sii badinteeda madadaal yar baa? Ayaguse ilaa intee le'eg ayay kusii hishiin karaan oo walaaltinimadooda waari kartaa?
Haduu faro maran katagayse miyeysan yaanbadii halkuu odeygu mudey kasii wad ahayn?
Hadaba,
Ma isweydiinaa, Maxay noloshu qaabkaan iskadaba wareega ah ee aan dhamaanayn utahay?
Miyeysan noo cadayn in hamiga iyo rabitaanka Banii'aadamku uusan dhamaad lahayn oo midkastaaba uu nolosha jaxartan iyo dadaal kula jiro.
Haddaba Waxaad ogaataa tacab iyo orod badani waa kii Awoowayaasheen ladarsay ilaa ay ka iisheen (dhinteen) ayagoo aan ka calfan ilaa intii Alle Sw uga qorey mooyee,
Halurin nafta ilaa ay kadaasho hana iskudhibin waxaadan calfan doonin, kuwa aad dartood u jaxartamayso Calafkooda Alle ayaa haya adna inta kuu qoran ayaad kansiib heli,
Balse ma ahan inaad dadaal dhigto oo Xamaasada kaa dhex guuxeysa ay meel cidlo ah ku dhamaato, ee Ushaqee una dadaal inaad kasban doonto oo kaliya inta Qaadirku kuu Suntay ee aadan wax kaloo dheeraad ah la imaan doonin, Isaga tala saaro asaga ayaa kugu filan kutiirsanaan iyo aaminid intabee,
Ha u jilbo dhigin Maalmaha aduunka oo marnaba yeysan kuniyad jabin, Maalmahaas adag ma ahan hadafkooda saxda ah inay awoodaada wiiqaan ee Waa inaad kaqaadato darsi iyo cibro kumeelmarisa kuna badbaadisa maalmahaaga danbe,
Waa faa'iido aad ku ogaan karto cidda kugarab taagan maalintaas oo Saaxiibkaaga saxda ah iyo kan aan raqfiiqnimadiisu meel fog gaarsiisnayn oo dhoolo kaqosolka beenta ah kutusi jiray.
Waa maalmaha aad baranayso nafsadaada si qoto dheer oo aad aqoonsan karayso halka aad kuwacantahay iyo waxaad kuliidato, Waxaa aad hurto iyo waxaa karaankaaga ahayn intaba iwm.
Dulucda:

"أحيانا نقع فقط لكي ننهض" 

"Mararka Qaar waan kufnaa si aan markale ukacno"
[Ninkii Kufa uun baa kaca].

Farxad ayay ii tahay Waqtigaaga aad hurtay ilaa aad kasoo gaartay akhrinata sadarkaan, wixii talo iyo tusaale ah waan kaaga baahnahay kaagana mahad celin sidoo kale 
Mareegahayga Baraha Bulshada oo kale ah Facebook, Twitter, .
Mahadsanidiin,
©Mohamed.

Comments

Popular posts from this blog

Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?