Dhaan Dabagaale (Dabo-Geelle) Ha Dhaaminin

Qoraa ree Masaari ah oo wax ka qori jiray Culuumta loo yaqaan "Cilmi Nafsiga", ayaan xasuustaa inaan mar akhriyey mid kamid ah Buugaagtiisa, anoo markaas ahaa ardey dhigta fasalka 6aad, mudadaas oo hadda laga joogo muddo 8 sano ah, Waxaa jiray sadaro aad ii cajab geliyey markaas oo aan su'aalo badan iska weydiiyay ilaa maalinka maanta ahna aan weli sidii si lamid ah uga fikiro, Erayadaas oo ahaa:
o نرى ما لا نريد ونريد مالا نرى، فنفقد قيمة ما نرى ونضيع في سراب ما لا نرى، “كن حريصا ألا تفقد قيمة ما ترى

o “Waxaa had iyo goor noo muuqda wax aanan rabin, waxaana daba joogna raadinta waxaanan muuqan, Markaas Ayaan seegeynaa (waayaynaa) qiimihii waxa noo muuqdey, Waqti badana nooga dhumayaa ka daba orodka wixii aan noo muuqan, Ku dadaal inaad garab marin qiimaha fursadda ku hortaal”
كتاب ((غير حياتك في 30 يوم)) د / ابراهيم الفقى رحمه الله
Dr. Ibraahim Al-fiqi Kitaabkiisa ((Kubadal Noloshaada 30 maalmood))

Tusaale aan usoo qaadano Inan soomaaliyeed oo u hanqal taagaya Tahriib.
• Waxaa had iyo goor u muuqda wax uusan rabin:
Dalkiisa iyo dadkiisa oo uu dhex joogo, sharaf iyo maamuusna uu kuleeyahay, oo cid ku takooreysaa aysan jirin , Ehel iyo qaraabo, Waxbrasho tayadeeda haba ku xirnaatee hadba sida uu udadaalo iyo cidda uu kabaranayee,
• Wuxuu daba joogaa raadinta waxaanan u muuqan:
Dal kale oo barwaaqo sooran ah, Shaqo taalo , lacagtu iska warantahay oo kii hal mar uun taga oo uu soo cantoobsan, reerkii iyo xigtadii uu kasoo tagayna uu wada biili karo, sanado gudahoodna reer iyo afona uu ku dhisan karo.
• Markaas Ayuu seegayaa (luminayaa) qiimihii waxa u muuqdey, Waqti badana uga dhumayaa ka daba orodka wixii aanan u muuqan:
Oo ahaa Dalkiisii, Dadkiisii, diintiisii, inta uu ku iimaansan lahaa waxa uu markaas hayo waxuu waqtigiisu badi kudhuminayaa u hanqal taaga meelo kale, Hadii inta hamigaas kujiro oo bulshada intuu dhex ordo wax iskasii kororsado waxbay ahaan lahayd, balse taasna lagumasoo karo, Wuxuu lajiifaa xanuun aan dawadiisa la ogeyn oo buufis ladhaho, Asxaab waa hore tagay ayaa maalinkasta kusoo afuufaya warar xaqiiqda kadheer, Marnaba wax uga usheegi mahayaan Dhibka iyo rafaadka ay mareen intaysan halkaas gaarin, Maalmihii kululaa ee Saxaraha wayn ka gudbayeen, Sidii beeraha loogu falay, in qaarkood sharaftoodii bani’aadanimo meel looga dhacay rag iyo dumarba, Baddii Geeridu xayndaabka u ahayd, iyo inta jeer oo ay Shahaadada Kelinimada ALLE SW qireen ayagoo islahaa hadda ayaa nolol idinkugu danbeysa,
kaliya waxay uga sheekeynayaan inaan meel ku xareysanyihiin oo cayr qaataan, seddexda waqtina hurdaan, Waxaaba dhici karta in kuwa badani ayba asaga ka liitaan waayo Da’ Alle kumanaystay ayayba inkireen oo raggii Reer doonka ahaa haddaba waaba 15-16 jiro aan qaanqaar looga aqoonsanayn halkay joogaan.

• Ku dadaal inaad garab marin qiimaha fursadda ku hortaal:
Nolol wacan oo la gaaraa ma ahan oo kaliya inaad wadankaaga kadhoofto (Waliba qaab murugo leh, adoo bad iyo birri jeexaya, Ehel iyo Qaraabana murugo iyo tiiranyo hor leh u horseedaya), Rabbi Tala saaro oo fursadaha ku horyaala qiimee, Waalidkaa oo markasta kaa ag dhow oo markasta aad xaalkooda meel dhow ka ogaan karto ducadoodana kasbata nicmo manta kawayn majirto, qofkii taas fursad u haysan Ayaana qiimaheeda og.
WAA RUN: Nin dhul maraa dhaayo leh, balse HAA waa markaad wadada saxda ah u marto.

Comments

Popular posts from this blog

Khiyaaligu Ma Dib udhac baa?

Maalmaha Aduunka