MA AHAN INAY LIBINTU KURAACDO MADASHO DOODA
Waxaa Lagasoo wariyay in Yuusuf bin Cabdi aclaa ( arday kamid ah ardaydii Imaamu Shaafici ) uu maalin ku khilaafay imaamkiisa Maxamed Bin Idriis Al-shaafici mas’alo diini ah xilli markaas imaamku darsi ( cashar ) uu kabixinayay masajid! Wuu istaagay yuusuf isagoo xanaaqsan, casharkiina halkaas ayuu uga dhaqaaqay, gurigiisa ayuuna iska aaday!!! Markii waqtigii isguray oo gudcur noqotay (habeen aan dayax soo jeedin ) ayuu yuusuf maqlay qof xiligaas albaabkiisa soo gaaracaya. Yuusuf : waa kuma ? Qofkii albaabka garaacayay: waa Maxamed bin Idiriis, Markaas ayuu yuusuf fakaray oo isweydiiyay qof magaciisa layiraahdo maxamed bin idriis oo imaamkiisa shaafici ka ahayn!!! Kadib markuu kudhiiraday inuu albaabka furo saa waaba imaamkiisii Shaafici ee maanta uu agasoo dhaqaaqay isagoo masaajidka dhex fadhiya, Markaas ayuu Imaamu Shaafici hadalkiisa sidaan kubilaabay: “ * Yuusufoow iyadoo boqolaal mas’alo ay namideeyaan oo aan isku ra’yi kunahay miyaan hal mas’alo awgeed kukala tagaynaa?!...